Uhuru Kenyta oo Dalka Qadar ka dagey + Sawiro.

Uhur1
(MOL)___Wararka na soo gaaraya ayaa sheegaya in fiidki xiliga Dalka Qadar uu ka soo dagey wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata.uhur4
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Madaxweyne Kenyata uu casuumad rasmi ah ka heley Amiirka Qadar Sheikh Tamim Bin Hamad Al-thani.uhur3
Madaxweyne Kenyata ayaa boqashadiisu qaadan doontaa Sadex bari wuxuuna la kulmo doonaa madaxda ugu sareysa dal Qadar oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhiga Qadar Hamad Bin Ali Al Attiyah.
Marsinonline.com

Xildhibaan Soomaaliyeed oo jago Adis-ababa u doontey sheeko naxdin leh.By Maxamed “Akhri adaa yabiye”

sad-man(MOL)___Sheekadaan waxaa noo  soo direy Maxamed oo akhrisyaasha Warbaahinta Marsinonline.com ka mid ah waxayna u qoreyd sidan.

Maalin maalmaha ka mid ah aniga oo fadhiya meesha lagu qaxweeyo Hotel Al-Jaziira oo ku yaala magaalada Muqdisho ayaa waxaa meel aan iga dheereyn ku sheekeysanayey rag ka tirsan baarlaanka Soomaaliya,

Nin Xildhibaanada ka mid ahaa oo safar kaga yimid caasimada Itoobiya ayaa waxaa su’aal waydiiyey Xildhibaan kale oo Xamar sii joogey wuxuu waydiiyey Xidhibaanki Adis-ababa ka yimid war waa adigii Adis-ababa ku maqnaaye arimihii  aad u tagtay Adis-ababa wax ma kuu soo hirgaleen?

 

Xidhibaankii Adis-ababa ka yimid ayaa ugu Jawaabay  waxaan u tagey Adis-ababa in Golaha wasiirada Soomaliya loo magacaabayo laygu  soo daro waxaan rabay in aan kala hadlo arintaasi  Reysulwasaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn waanse arki waayey isaga, nasiib wanaag waxaan  heley  Xoghayntiisa  wuxuuna ii balan qaaday in laygu soo daro Golaha wasiirada Soomaaliya loo magacaabi doono dhawaan.

 

Maxamed oo ahaa akhristihii MarsinOnline oo goobta fadhiyey qurbahana ku noolaa 20 sano ka badan dalkna ka cararey 1990ki xiligi dowlada Maxamed Siyaad bare Allaha u naxariiste ayey arintani Dhaka-faar ku noqotay,

Maxamed wuxuu yiri waan yaabay waana hadli waayey ragii  Xildhibaanada ahaa ee iswareysanyey ayaan Isha ku xadey bal in aan garto qaarkood  nasiib wanaag  waxaan wajigooda gartey dhowr Xildhibaan oo uu ka mid ahaa Xildhibaankii Adis-ababa xilka ka doontey mana doonayo in aan magacyada Xildhibaanda idin la wadaago  ayuu yiri Maxamed waxaanse jeclaaday in aan sheekada kale la qaybsado dadka Soomaaliyeed ee dalka iyo dadka Jecel ayuu ku sii darey Mxamed.

Maxamed oo hadalkiisa siiwata ayaa yiri waxaan isku dayey in aan la hadlo Xildhibaanada balse waxaa markiiba la adimey salaaadi Maqrib oo waqtigeedi galey  marki la tukadeyna waaba kala tageen.

Waxaan meeshi ka tagey aniga oo murigeysan niyad jabsan aadna u xanaaqsan oo isleh dalki  Soomaaliya ee aad ka carartey 1990kii ma sidan baa u danbaysey? dowladnimadi, sharafti isla waynidi ma sidan baa u danbaysey?

maxamed wuxuu ku soolaabtay dalka Mareykanka wuxuuna noo soodirey sheekadan Naxdinta badan,

Maxamed waan u mahadcelineynaa waxaan akhristayaasha kale ka codsaneynaa in ay noo soo diraan sheekooyinkooda si aan ula wadaagno akhristayaasha kale .

Fikirkaaga ka dhiibo sheekada Maxamed.

marsinonline1@gmail.com

 

 

(Maqaal) GEESKA AFRIKA HOLACA YAA KUSHIDAY YAASE HURINAAYA?

oLOLGeeska Afrika waxaa kajira hardan iyo colaado aan dhamaanin oo qarniba qarni usii dhiibayo.
Hadaba waxaa iswaydiin mudan maxaa loo haleeliwaayay xalka Geeska Afrika?marka aad doonayso in aad ogaato arin waxaa la eegaa in ay tahay. Mid hore looyaqaanay iyo mid hada soo daristay. (اما ان تكون قديما او حزيثا)
Kadib waxaa kuu fudud in aad ogaato shayga salkiisa.
Marka aan eegno dadka daga Geeska Afrika. Waa dad Afrikaan ah laakiin. Dhaqanka, diinta, iyo Jinsiga kukala leexanay.
Anoo. Rabin in aan ku dheeraado. Waxaan abaarayaa. Dhibaatada joogtada ah ee Geeska Afrika.

Dagaalka gacan ka hadalka ah ee kalifay in dawlado burburaan, wadamo jirijiray dhalan rogmaan Qaxooti kadhasho waxaa horyaal u ah Boqortooyada Abasiiniya.

Hadaba maraaxisha ayaa kala duwan lakiin dhaqanka iyo dhibku waa isku mid
Sida aan lasocono Afrika waxaa gumaystay Cadaankii Reer Yurub (Europe) Wuxuuna kaga tagay xuduudo iyo qaraaro loogu tala galay in aysan Afrika fursad u helin wax qabsi iyo horukac. Qorshahaas cadaanku watay waxaa kamid ahaa qaybinta wadamada qaarkood waana kuwa loo arkayay in ay ka dhalan karto xadaarad la jaanqaada siyaasada caalamka waxaana kamid ahayd Soomaalida. Hadaba qorshahaas. Boqortooyadii Abasiiniya way ka qayb qaadatay. Waxayna ka mid noqotay Gumaysigii. Hadaba. Geeska Afrika. Waxaa Abasiiniya Loodhiibay Qori dab ah oo labada dhinac ka huraya.
Wuxuuna sababay in dhexdeedana ay gubato dhinicii kalana gubto.

Abasiiniya waxay qayb u heshay wadanka Ogaden. Oo ah qayb kamid ah ah sha ta soomaaliyeed. Waxaana lagula jiraa sidii loo tirtirilaa Abasiiniya oo ah hadhayawgii Gumaysiga.

Hadaba gumaystayaashii ma ayasan noqonin kuwo Abasiiniya sidii kudhaafay ee waxay la garab istaageen Hiil iyo hooba.
Taas oo sababtay in Geeska Afrika noqodo goob dagaal oo joogto ah

Xiliyadii lasoomaray laga soobilaabo 1948 ila hada Abasiiniya waxaa kusocda daagal aan. Kala joogsi lahayn
Dagaaladaas oo kala ahaa maraaxil kaladuwan laakiin isku ujeedo ahaa waxayna ujeedadoodu ahayd in Abasiiniya laga xoreeyo Ogaadeeniya.
Dagaalkii. Olf, Xxo, Nasraah, Wslf iyo ONLF. Waxay lahaayeen hal ujeedo wixii hortaagnaa wuxuu ahaa Ethiopia oo kolba nin haysto. Wixii laraadinayayna wuxuu ahaa Ogade.

Hadaba arimo dhawr ah ayaa muujinaya in Ethiopia Horaca shiday hadana hurinayso.
1- Hishiiskii Dawladii soomaaliya iyo Ethiopia waxay soo dhigtay Ethiopia in aan la sheeganin. Dhulka Ogaden Ladhaho loona aqoonsado Ethiopia meeshii laysku haystay oo aan lagala hadlin dadkii lahaa oo la xalaalaysanayo waxay dhashay in ay ONlF. Dhalato. Goor dadbadni quusteem waxayna noqotay nuur iyo Iftiin halmar soobaxa.
2- isbadalkii xukuumadihii Ethiopia. Waxay soo dhigeen in si qada jir h loo raadiyo xuquuda iyo xaqaba waxayna ku badaleen in rabitaankii shacabka laga horyomaado. Waxaana qarxay dagaal gacan kahadal ah.
3- raadintii xal loohelo colaada jirta. 3 jeer oo Ethiopia lasiiyay fursad lagagwada xaajoodo in dagaalka xal loohelo iyadoo ay furan tahay wadooyon badan. Ethiopia mar walba waxaa u qarsoonaa qorshe ay ku bur burinayso wada xaajoodka si aan loo gaadhin xal waara oo ka dhasha Geeska Afrika

Maanta iyo marxalada lamarayo.
Waxaa waayadan dambe la filayay in ONLF iyo Ethiopia wada xaajoodaan taas oo dad badan ku abuurtay kalsooni ah in lahelayo xal maadaama mudo dagaalku socday. Muxuu noqday qorshihii qarsoonaa ee Ethiopia.
Wuxuu noqday in La afduubo xubnihii wada xaajoodka i qaabilsanaa ONLF. Taas oo Ethiopia ay ku bixisay miisaanid aad u badan is uusan u qabsoomin wada hadalku.

Maxaa kadhalab karab falka Ethiopia ka dhexsamaysay Kenya ee dhaawacay wada xaajoodkii?

1998 waxaa dhacay wada hadal lala galay Ethiopia. Waxayna goobtii ku dishay ragii matalayay wada hadalka
Maalintaas kadib wuxuu halganku socday 16 sano kadib markii Ethiopia qoshaheedii soo bandhigtay. Mudadaasna waxaa. Socday shihiil iyo daal waxaana ururka ONLF kabaxay dad aan lasoo koobi karin oo nooc walba leh. Hadaba halganku uma waabanayo qabashada N/ hurayaasha ee kenya laga afduubay kamana duwana kuwa maalin walba shihiida.
Nimankani waxay wadi jireen qoro waxayna gali jireen dagaalo hadii ay qadiyada Ogaadeeniya ku xidhantanay Nolashooda iyo dhexjooga Halganka waxay ahaan lahaayeen kuwo kaduwan dadka halganka wada laakiin waxay ahaayeen laba halyay oo qiimi badan. Waxayna kamid yihiin waxyaabaha qaaliga ah ee lagu raadinayo xoriyada qiimiga wayn
والعاقبة للمتقين.
Midnimo. Mintid. Isku tashi. Allaahu Akbar

By Gumaysidiid

Ina Iley dhaqankiisu waa kii “Munaafaqiinta”!!!!! Jan 22, 2014 Ali Yare

Ina Iley dhaqankiisu waa kii “Munaafaqiinta”!!!!!
Jan 22, 2014
Ali Yare
1 shacabka Ogaden iyo kuwani maxay wadaagi karaa
sawir1

sawir2
Rasuulkeenii suubanaa (scw) wuxuu inoo sheegay in munaafaqu leeyahay saddex astaamood oo lagu garto. Wuxu yidhi, “Munaafaqu markuu sheekayn been buu ku sheekeeyaa, markuu axdi galo ama balan qaad sameeyo, balanta ma oofiyee wuu jabiyaa, marka amaano loo dhiibtana ma xafidee wuu lunsadaa ama wuu lumiyaa”,hadaba markaad astaamahan si dhab ah u daristid garabna dhigto camalka Ina Iley, miyaanay dhamaantood ahayn kuwa isaga ku cad? Jawaabtu waa haa waayo:
Markuu Ina Iley hadli wax aan been ahayn kuma hadlo, hadduu shacabka balan u qaado ma hirgaliyo, amaanaddii loo dhiibay ma xafidin oo wuxuu ka dhigay wax uu isagu siduu doono ka yeelo iyo wax uu shacabkii loogu dhiibay dib ugu xasuuqo. Tani waxay ku tusaysaa in Ina Iley yahay kuwii rasuulku (scw) ugu yeedhay “Munaafaqiin”.
Mararka qaarkood waxan is idhaahdaa malaha Ina Iley afkiisa iyo dhagahiisu isma maqlaan waayo haddii ay is maqlaan hadalda qaarkood wuu ka xishoon lahaa, mase odhan karaa cajaladdii xusuusta ayaa ka gubatey. Qofku sikasta faasuq ha u ahaadee waxa qalbigiisa ku jira qadar iimaan ah oo xakameeya, mararka qaarkoodna xusuusiya inuu dambi dhexbaalanayo hase ahaatee Ina Iley wuxuu u muuqdaa mid aan qadarkaa iimaanka ahba lahayn.
Shaqsi ahaan anigu ma ihi dadka barabagaandhada gumeysiga dhagaysta, dabaqoodhiga sheekaddiisuna imaba marto. Nasiib wanaag waxa maalin dhawayd ii suurto gashay inaan wax yar ka dhagayso qudbad ku sheeg Ina Iley safaarada gumeysiga ee Londan ka jeediyey. Macna daraddii qudbada, bidhaan xumaddii shirka iyo tayo yaraddii shaqsiyaadkii shirka fadhiyey ayaa ii diiday inaan dhamaysto cajaladdii laga soo duubay goobtaas. Intiise aan daawaday ayaan kaga kaaftoomay intii aanan daawan. Mida kale inkasta oonan shirka wada daawan hadana waan cajaladdii dhamaystay
Qofkasta oo cajaladdii shirkaas laga soo duubay daawada wuu dareemayaa in shirkani ahaa shir fashilmay sababkasta ha eersado’e. mida kale kulankani wuxuu ku tusayaa sida xitaa dabaqoodhiggii qurbuhu Ina Iley uga xiiso dhaceen. Horta madasha waxaa yimid dad aan ku qiyaasay dhowr iyo labaatan qof ilaa 30 qof oo shaqaalihii safaarada iyo waftigii Itoobiya ka yimid u badan. Ka sokow tiro yarida dadka goobta joogay, waxaad qaabkii shirku u socday laga dareermi karaa inaan dadkii meesha fadhiyey wax isku mawqif ahi jirin ee ay ahaayeen kooxo kala fikir iyo kala ujeedo ah oon xitaa sacabka isku taageeraynin. Cid sacab xiiso u qabtaa meesha ma joogin, waxaana la arkayey oo kaliya dhowr ruux oo si xin ku jiro u sacabinaya si kuwa aan sacabinaynin booskooda u buuxiyaan. Laba ruux oo gaardiga isla heleysay meesha ma fadhiyin. Xaqiiq ahaan madashu waxay ahayd madal ceebeed, arintiise aniga yaxyax dartii timahu iiga buubi gaareen waxay ahayd markuu Ina Iley waan qudbadayn yidhi ee uus iyo cantara baqash ka wareegay iyo sheeko bilaa milix ah. Hadaf aan jaho lahayn, qodobo aan qeexnayn oo isku murugsan adag tahayna inaad fahanto, sida inay amar yihiin, inay wax u sheegid yihiin iyo inay beer laxawsi yihiin. Balse wallow aanan wada carabaabi karin wixii meesha ka dhacay oo dhan hase yeeshee haddii bal aan hadaladdii Ina Iley goobta la yimid ee aniga sida gaar ah iiga yaabiyey idinla wadaago.
Inuu Ina Iley munaafaqnimaddii rasuulku (scw) inoo sheegay ku sifaysan yahay waxyaalihii ii cadeeyey waxaa ka mid ahaa hadaladdii uu meesha la yimid sida, (I) shacabka kabo ayaan u ahay ama dawlada deedaanku shacabka kabahay ku socdeen bay u tahay (II) ONLF gudaha waan ka soo tirtiray (III) horumar baan gaadhnay, sida caafimaadka, waxbarasha, dhaqaalaha iyo nabad galyada (IV) Jid baan dhisnay iyo wixii la mid ah (V). shirkii qoomiyadaha Itoobiya baan qabanay, wuxuuna noo ahaa guul weyn.
Habada marka Ina Iley hadaladan ku hadlayo miyaanu munaafaq ahayn?

(I) Yaa aaminsan in Ina Iley yahay kabihii shacabka? Yaan ogayn inuu yahay “Kudkii iyo kafantii shacabka. Markuu leeyahay kabihii shacabka ayaan ahay isaguna wuu is ogyahay illaahayna wuu ogyahay wuxuu yahay iyo inuu been cad sheegayo. Wuu og yahay in kumanaan shacab ah amarkiisa lagu diley, in kumanaan amarkiisa lagu kufsaday, inuu xitaa qaar gacantiisa ku diley sida la sheegay, gacantiisana ku kufsaday gabdho badan. Wuu og yahay in dhiigii shacabku dhuunta u joogo. Shacabkuu leeyahay kabo ayaan u ahay sow maha kuwuu ku qasbay inay yidhaahdaan adhiga ayaanu kufsan jirey. Sow ma ahayn kii ilfashaqan dadka ku qasbay inay qirtaan. Muxuu waa kii hor fadhiyaye u odhan waayey war dadka sidan ka daaya, mise wuu sakhraansanaa? Muu hada kuwa jeel Ogaden ku jiriban ooda ka qaado hadduu kabo u yahay. Waa munaafaq munaafaqiin la hadlaaya.

(II) Ma runbaa inuu Ina Iley ONLF dhameeyey? Inay tani been tahay isaguna wuu og yahay kuwa uu kabaha u wadaana way og yihiin. Dhowrkii sanno ee la soo dhaafay Ina Iley ONLF way soo gashay iyo waan dhameeyey unbuu lahaa, hadana isaga unbaa ONLF baa nabaddii hor taagan iyo in yar baa duurka ku dhuumaalaysannaysa laga maqlaa. Ina Iley alif wax ma leh iyo alif la kordhay isagaa labadaba laga maqlaa. Isagaa hadalo isburinaya goorkasta ku hadaaqa. ONLF way jirtaa iyo ma Jirto Itoobiya unbaa laga maqlaa. Haddii aanay ONLF jirin oo sida ay sheegeen Ogadeniya ka dhameeyeen hadal haynteeda ha iska daayaan oo wax aan jirin waa la iloobaaye ha iloobeen. Maanta ONLF waan dhamaynay hadduu afkiisa ka yidhi bari way joogtaa yaan laga maqlin. Hadduu xitaa yidhaahdo hal qof oo ONLF baa gudaha ku jira ogaada inu munaafaq beenaale ah yahay.

(III) Waa su’aale Ogadeniya ma horumar baa ka jira mise macaluul iyo gaajo. Miyaan meelihii ay maceeshada ka gadan jireen weli xidhnayn? Miyaan cuna qabateyn joogto ahi shacabka saarnayn. Dhaqaalaha ina Iley sheegi xagee ka yimid? Ogadeniya askari qoriwata ayaa Itoobiya uga imaan jirey ee badeeco iyo baayac mushtar alagama heli jirin welina waa tabtii. Nolosha shacabku waxay ku xidhnayd Somalia, Somaliyana waa laga xidhay. Itoobiya ma iskuulay Ogadeniya ka dhistaa mise kuwii dhisnaa bay dumisaa? Xaqiiqu waa inay kuwii jirey dumiso oo qaarna ciidamadeedu galaan qaarka dadkii laga qixiyey oo dameeruhu galaan. Inaan waxbarasho fiicani jirin waxaa markhaati ka ah: 1954 iskuulka Qabridahar wada muraayad buu ahaa kuraasna waa lgu fadhiisan jirey maantana dhagxaan baa lagu fadhiistaa. Mida kale shacabka Ogadeniya miyaa la xasuuqaa mise waa la dhakhtariyaa? Caafimaadka ina iley sheegayaa ma xabadaa? Inaan Ogadeniya caafimaad ka jirin qofkastaa waa og yahay, magaalooyin hal dhakhtar leh baa halkii dhakhtarna laga diley sida ka dhcday Qabridahar. Sheekada caafimaadku waxay ka dhigan tahay munaafaq munaafaqiin la hadlaya waayo kuwii kala wejiyada xumaa ee uu beenta u soo safriyey way awoodi waayeen inay Ina Iley wediiyaan meesha uu isbitaalada ka dhisay.

(IV) Hadaladdii Ina Iley carabka ku adkaynayey waxa ka mid ahaa jid baan dhisnay. Horta Ina Iley iyo Woyaanaha ma la weydiiyey faa’iidada jidku u leeyahay shacabka? Waa maxay muhiimada jidku u leeyahay dadka uu dhexmaro? Jidkase ma shacabka loo sameeyey mise ciidamada Itoobiya. Haddii gaadiidkiiba dadka laga xareeyey oo aany si xor ah jidka u isticmaali Karin, gawaadhidoodiina wax la gidhaashtay iyo wax socodkii laga joojiyey loo qaybiyey maxay jidka ka dheefi. Jidku ma bariis la cuni baa? Runtuse waxay tahay balse aan dad badani ogayn in jidkan ciidamada Itoobiya loo dhisay si uu gurmadkeedu iyo taakuladeeduba ugu sahlanaato. Shacabka Somalida Ogadeniya jid iyo in ka badanba Itoobiya way ku leeyihiin waayo gumeysato badan ayaa dhulkay gumeysanayeen dhisay. South Africa gumeysataddii haysatey dhulka si fiican bay u dhiseen wayna ogaayeen in maalin maalmaha ka mid ah dadkii dhulka lahaa la wareegi doono laakiin dadkaasi waxay ahaayeen dad aqoon leh oo aadaminimada wax uun ka fahansan. Itoobiyase iyada ayaa dawarsanayse ee maxay qaban kartaa.

(V) Qodobka kale ee Ina Iley aadka ugu dheeraaday uguna faanayey kuna nuuxnuuxsaday wuxuu ahaa shirkii qoomiyadaha Itoobiya ee Jigjigga lagu qabtey. Shirkan Jigjigga wuxuu Ina Iley ku tilmaamay inuu ahaa qorshii ugu muhiimsanaa ee degaanka laga fuliyey sannadkii tagay. War intiina daawatay shirkan uu sheegi illaah baan idinku dhaaryee ma wax lagu faanuu ahaa? Xagee horumar ka soo gali karaa? Ma cawradii, ilfashaqii iyo bidhaan xumaddii buu ina iley amaan ka dhigtey? Caruurtii dadkii cawaanta ahaa ay meesha ku soo ururiyeen ka sastay baa weli la aamusiin la’yahay isna sharaf buuba ka dhitey. Dhacdadani waxay ahayd mid shacabka Ogadeniya argagax ku riday. Waxayna si dhab ah u fahmeen inaan qoomiyadaha kale ee Itoobiya iyo iyaga wax ka dhexeeyaa jirin, dhaqan, caado, Diin iyo luuqad toona. Hadalkii oo yar bal wuxuu Ina Iley amaanta mooday ee dadka la hor yimid indhihiina ku arka. Kuwan buu horumar ku sheegay!
hilib
Figure 1 Raysal Wasaaraha cusub ee Itoobiya oo hilib qaydhiin cunaya

sawir duma

foodsawir wal

Yaa ii sheegi kara waxaan wadaagno dadkan? Jawaabtu waa aadaminimada oo kaliya. Waxba inagama dhaxayn karaan ummaddan cawaanka ah marka xaagee Ina Iley inaga walaalaysiin karaa?
Aniga oo tixgalinayna dhaqankiisa iyo astaamaha isaga gaarka u ah, waxan doodayda ku soo gunaanadayaa in Ina Iley yahay qoonkii uu rasuulku (scw) inoogu sheegay munaafaqiin, weliba waxaan ra’yi ahaan qabaa in munaafaqnimada maan gaabnimo u weheliso waayo haddii uu munaafaq qali leh yahay hadaladiisu miisaami lahaa kana fiirsan lahaa inta aanu odhan. Markuu leeyahay ONLF baan soo baabi’iyey ma wuxuu moodayaa in haddii ONLF baaba’do halganku istaagi. Miyaanu ogayn in inta gumeysi jiro kacdoon ama iska caabini jiri? Miyaanu ogaynse in jabhado dhowr ahi ONLF ka horeeyeen? Markey bubureen miyuu halgankii istaagay mise wuu laba kacleeyey? Mida kale markuu horumar aan jirin dadka la soo horjoogsanayo, dadka ma xooluu moodayaa? Ummadse xoriyad, cisi iyo sharaf doonaysaa horumar muxuu u taraa?

Ali Yare
Dammam, Saudi

Warbaahinta Marsinonline.com oo qiimeynteeda sanadki 2013 u Aqoonsatay Jaaliyada Boqortooyada Sacuudiga (Horyaalka sannadka 2013)

ogaden1(MOL)____ Warbaahinta Marsinonline.com ayaa qiimeynteeda sanadki 2013 ee Jaaliyadaha Ogadenya si gaar ah Isha ugu haysaey Jaaliyadaha Soomlaida Ogadenya ee wax qabadkoodu sareeyo.

Jaaliyada Sacuudiga ayaa sanadkii la soo dhaafay qabtay shirar waaweyn oo ay iskugu yimaadeen Kumanyaal iskugu jira shacabka S. Ogadenya iyo Soomaalida kale ee ku nool daafaha Boqortooyada Sacuudi Arabia,
Jaaliyadaha Sucuudiga oo ka kooban Al- Xasa, Riyaad, Dammam, Saxarah iyo waliba Jiddeh ayaa sanadi 2013 wacdaro ka dhigay Boqortooyada Sacuudiga waxaana dhawaqa Codkooda lagaga diirsaday daafaha aduunka iyada oo mararka qaar laga tabinayey TV-yo caalami ah.sacuudi1

Warbaahinta Marsinonline.com ayaa ka mid ahayd warbaahinti sida gaarka ah u tabinaysey shirarka ay qabsanayeen Jaaliyaad Sacuudiga isla markaana si hoose ila socday wax qabadka jaaliyada Sacuudi Arabia,alxasa1
Warbaahinta MarsinOnline waxaa ka go,an in ay soo bandhigto Jaaliyadaha shaqada fiican qabta  iyo Shaqsiyaadka shaqada fiican,  si doo kale waxaan soo bandhigi doonaa shakhsiyaadka iyo Jaaliyaad  shaqada xun,xaasa5

Hadaba Maamulka warbaahinta  Marsinonline.com oo si xeel dheer isha ugu hayey Jaaliyaadka Ogadenya iyo waxqabadkooda ayaa sanadki la soo dhaafay ee 2013 u aqoonsatay Jaaliyada Boqortooyada Sacuudiga (Horyaalka sannadka 2013) ee waxqabadka Jaaliyadaha S.ogadenya.xaasa4
Warbaahinta MarsinOnline.com waxay akhristayaasheeda iyo dhamaan Jaaliyadaha Ogadenya ka codsanaysaa in ay noola hambalyeeyaan Jaaliyada Ogadenya ee Boqortooyada Sacuudiga shaqo wanaaga ay muujiyeen oo aan oran karo waxay ahayd jaaliyada qaadatey Sumadda ah Midnimo,Iskutashi, iyo Mintid.damaam4
Jaaliyada Ogadenya ee Boqortooyada Sucuuga waxaan leenahay Sanadkan sanadkiisa Nabad ku ciida (Congratulations)xaasa3
Agaasimaha MarsinOnline.com
marsinonline1@gmail.com

Itoobiya, Soomaaliya waxay ka rabtaa ugu yaraan Lix wadan By Shaafi

Idea(MOL)____Tan iyo xiligi ay dhacday dowladi dhexe ee Soomaaliya waxaa faragalin toos ah iyo mid dadban ku waday dalka Soomaaliya Dowlada Itoobiya oo dano gaar ah ka leh Soomaliya,

Soomaaliya waxay soo martey Xiliyo kala duwan sida Xiligi Dagaal Ogaayaasha oo Itoobiya saaxiib la ahayd inta badan(Warlords-ka) iyo Maamul Gobaleedyo u adeega Itoobiya ayna qaarba si ula dhaqanto,

Waxyaabaha cadeynaya in Itoobiya ayna dooneynin in Soomaaliya degto waxaa ka mid ah sida ay ula macaamisho Dowlada Soomaaliya, Maamul Gobaleedyada iyo Gobalada iyagu leh maamulada u gaar ka ah ee dadku sameystay,
Wax yaabaha cad ee Itoobiya  ku qaybineyso  Dalka Soomaaliya waxaa ka mid ah shir ku sheegi Qoomiyaha Itoobiya loo qabtay oo lagu marti qaaday Lix maamul oo kala socda oo ay kala hogaaminayaan Dowlada dhexe oo uu hogaaminayey Wasiirka Warfaafinta,boostada iyo isgaarsiinta, mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi,Maamulka Puntland oo uu hogaaminayey Madexweyne Abdirahman Faroole ,Maamulka Soomaaliland oo uu hogaaminayey Madaxweyne Ahmed Siilaanyo,Maamulka Jubaland oo uu hogaaminayey Madexweyne Ahmed madoobe, Maamulka Galmudug oo isna uu hogaaminayey Madaxweyne Qaybdiid iyo Khaatumo oo uu hogaamiyey Madexweyne Indh-sheel,

Dad badan ayaa yiraahda Dowlada Itoobiya waa is badashey oo colaadi iyo cadownimadi hore waa laga soo gudbay ee Itoobiyada Cusub waxay rabtaa Soomaaliya oo dagen  oo nabada waxayna Itoobiyada Cusubi diyaar u tahay in ay Soomaaliya wax la qabato waa sida ay yiraahdaan kuwa Itoobiya aqoonta u lahayne,

Hadaba Su,,aasha lays wadiinayo ayaa ah Hadii arintaasi run tahay oo Itoobiya isbadashey ayna doonayso in ay soomaliya wax la qabato maxay heshiisyo kala duwan ula gashey Maamulada Jubaland, Baydhabo iyo Gobolka Gedo kuwaasi oo iska hor imaanaya?

Bishi August 27th 2013 heshiis Itoobiya hogaamineyso ayaa ka dhacay magaalada Adis-abab kaasi oo lagu heshiisiiyey Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland kaasi oo ahaa in Sadexda Gobol ee  J/Hoose J/dhexe iyo Gobolka Gedo loo aqoonsado Maamul-gobaleed.

Dowlada Itoobiya waxay taageero maldahan  oo waxba ka jirin  u muujisaa Maamulka Jubaland oo ay iska dhigeyso in ay Aabe iyo Hooyo u ahayd Heshiiskii Adis-ababa ee ay gogosha Itoobiyaa lahayd.
Dhanka kale waxaa warbaahinta la Hadley Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo sheegay in Dowlada Itoobiya ay ka wada hadleen arimo ku sabsan gobolka Gedo wuxuuna sheegey in uu maamulkiisu ka madax banaan yahay kan Jubalnad ee uu hogaamiyo Ahmed Mdoobe wuxuuna ku celceliyey in uu taageero ka haysto Dowlada Itoobiya,

Waxyar  uun ka dib heshiiski Adis-aba waxaa soo shaac baxday in maamul kale oo Lix Gobol ah lagu sameynayo Magaalada Baydhabo kaasi oo kala ah Gobalada J/hoose,J/dhexe,Gedo, , Bay, Bakool iyo Sh/dhexe,
Shaki ku jiro  in Itoobiya taageerayso si toos ah iyo si dadban labadaba shirka ka socda Baydhabo ee la doonayo in Maamul loogu dhiso Lixda Gobol ee aan kor ku soo sheegnay taasi oo ka hor imaanaysa heshiiski Adis-aba ee Itoobiya Hogaamineysey kaasi oo heshiis  ku dhexmaray  Dowlada dhexe iyo Maamul-gobaleedka Jubaland,

Waxay Itoobiya si gaar ah oo ka madaxbanaan Soomaaliya ula shaqaysaa Maamulka Somalinad oo Aqoonsi raadinayey mudo dheer hadana uma aqoonsna dal madaxbanaan waxaana u jooga Qunsul Itoobiyaan ah magaalada Hargeysa,

Maamul-gobaleedka Puntland ayaa isna loola dhaqmaa si ka duwan sida kuwa kale waxaa isna u jooga Itoobiya Qunsul magaalda Garoowe,

labada Maamul ee Somaliland iyo Puntland ayaan isku fiicnayn marar badana warbaahinta isu mariya hadalo xanaf leh dhowr jeena ay dhex martay gacan ka hadal dadka siyaasada gorfeeya ayaa aaminsan in Itoobiya lug ku leedahay is afgaran waaga u dhaxeeya labadan maamul Puntland iyo Soomaaliland oo labduba sheega in ay Itoobiya saaxiib la yihiin,

Bahdilkii ku dhacay Soomaalida shirki Qoomiyadaha Itoobiya ee Jigjiga ka dhacay wuxuu mudan yahay in Madaxda Soomaalidu ogaadaan in Itoobiya ayna daacad ka ahayn in Dowlad xoog badani ka dhalato Soomaaliya ayna xaqiiqa tahay in Itoobiya doonayso in Soomaaliya kala qaybiso mar labaad gumeysigi cadaa kadib, mar hadii ay Shan dowladood oo Soomaali ah ku marti qaadeen shirka Qoomiyadaha Itoobiya xitaa loo diiday in ay ka hadlaan taasi oo la oran karo waa kala qaybin hor leh,

Itoobiya ma awoodo in ay Soomaaliya u qabsato si toos ah balse waxay rabtaa in ayna ka dhalan Soomaaliya dowlad xoog badan taasi oo mar labaad isku dayda in ay dagaal la gasho Itoobiya, dagaalki dhexmarey Itoobiya iyo Soomaaliya 1977 di ayaa ahaa (Ogaden war) waana dagaalka Itoobiya saska ku riday,
Dowlada Itoobiya waxaa iminka dagaal kula jira Jabhada ONLF oo u dagaalanta Xornimada Gobolka Ogaden, dadka siyaasada gobolka Geeska Afica u dhuun daloola ayaa sheega in caqabada ugu wayn ee Gobolka Geeska Africa ay tahay in xal loo helo Gobolka Ogaden taasina ay ku xiran tahay sida ay Itoobiya xal uga raadiso Jabhada ONLF oo ah Ururka kaliya ee lagala xaajoon karo Gobolka ogaden.

Ugu danbaynti Dowlada Itoobiya ayaa bilowday kala qaybin hor leh dalka Soomaaliya waxaana kuu cadayneysa sida loola dhaqmay shirki Qoomiyadaha ee Jigjiga ka dhacay dalka Soomaaliya  , hadaba Soomaaliya dagitaankeeda iyo midnimadeeda waxay ku xiran tahay in la helo Madax daacad ah oo wadaniyiin ah oo aragti fog leh, kuwaasi oo u istaaga danta Dalkooda ,Diintooda iyo Dadkooda.

W/B Towfiq
Qalinki Shaafi Mohamed
Shaafi-og@hotmail.com

Marsinonline.com Waxay mudnaan gaara siinaysaa maqaaladda  sida khaaska ah loogu soo diro Maqaalkani wuxuu khaas u yahay aragtida Qoraaga ku sixiixan loomana turjumi karo tan Marsinonline.com

 

“Saalo saalaysay walee sidaas baan lagaaga hadhin”

Itoobiya(MOL)___Figure 1 Cawraddii Ina Iley Jigjigga keeney. waxay tani ku tuseysa sida loo kala duwan yahay een xidhiidh uga dhaxaynin labada shcab

Ninbaa bari hal aad u uleeyey, markaysay cabaaday oo carartey oo iscuntey oo weliba xanuunkii shuban iyo kaadi isku dartey markaas buu yidhi “Saalo saalaysay oo saalo niriglaysay walee sidaas baanan kaaga hadhin”

Maanta halku dhigani wuxuu ku sifaysan yahay gacayarayaasha Jigjigga wakiilka uga ah woyaanaha  ee dabaqoodhi Ina iley horjoogaha u yahay.  ONLFna gumeysiga iyo inta raranaha u ah gamuunka mariidka leh  ka dayn weydey, iyana galgalashada iyo hadba geedo jiidhka dayn waaye.sawir 2

 

 

 

 

 

 

 

Riix Halkan  Hoose Maqaalka oo dhamays tiran;

Saalo saalaysay walee sidaas baan lagaaga hadhin

Marsinonline.com

Ali Yare

Dammam, Saudi Arabia

TAARIIKHDII SAYIDKA IYO DARAAWIISH WAA RAASAMAALKA HALGANKA DEEGAANKEENA

28 October 2013
Qorraa: Anwar A. Magan

Waxeey dunidu hadba heer ahaataba,waxeeytalo hadba geed harsataba,Labo iyo Sagaashan sano kadib iyadoo lagasoo wareegay geeridii Sayid Maxamad ayaa anigiyo nafteeydu ku heshiinay inaan taariikhdii sayidka iyo daraawiishba intuu Alle iga waafajiyo ka baadi goobo!

TAARIIKH NOLOLEEDKIISI IYO DHALASHADIISI

• Sayidku wuxuu dhashay sanadkii 1856 gugii lamagacbaxay “GOBEEYSANE” oo ahaa gu barwaaqo ah dad iyo duunyaba wixii dhashay hanaqaad noqdeen.

• Wuxuu ku dhashay balliga la yiraahdo” SACMADEEQO ” oo qiyaas ahaan 7 meeyl u jiro Buuhoodle.

• Hooyadiis waxaa la oran jiray Carra Seed Magan.

• Quraanka wuxuu ku bartay gurigoodi,cilmigana wuxuu ka raacday xer fadhiyi jirtay Nugaal.

• Abbaarahii 1892ki wuxuu u kacay Makka iyo Madina waxeeyna isu raaceen 13 wadaad oo eey isku xer ahaayeen.

• 1895ki ayuu sayidku kusoo noqday dhulka Soomaaliya wuxuuna kasoo dagay xeebta magaalada Berbera

• Waxaa la yiri markuu doonniduu la socday kasoo dagay ayaa Ingiriisku ku warsaday Dekedda canshuur inuu bixiyo.Wuxuu ugu afceliyay “adiga yaa canshuur kaa qaaday markaad halkan kasoo dagtay?” dabadeedna afceliyihii baa kuyiri gaalki:” waa wadaad waalanee inagadaa”. Sidaa daraadeed waxaa Ingiriiska ku magacaabay WADAADKI WAALNAA.Midaasi waxeey ku tuseeysaa tusaale cadna u tahay dhiiranaanti iyo geesinimada Sayidka.

Dagaalkii u horeeyay iyo Marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Halgankii Daraawiishta

• 1900ki ayaa Ingiriisku col lixaad leh so qalqaaliyay si loo dumiyo dabka halkaa ka baxayo intaanu dhulka intiisa kale ku fidin

• Inta la hubo ama taariikhdooda la hayo,41 goobood beey ingiriska iyo ciidamada Daraawiishta ku kulmeen,kuwi ugu waa weeynaa ama dagaalka xumi ka dhacay waxaa kamid ahaa:

Afbakeeyle,Faradhiddin,Cagaarweeyne,Daratoole,Jidbaale,Ruuga iyo Dayuuraddii.

• Ingiriisku dagaaladaa wuxuu u qeeybiyay sedex duullaan oo mid waliba socday dhoowr gu mid walibana lahaa tabo iyo xirribo gaar ah iyo xoolo loogu talagalay, inkastoo aan guul laga gaarin

• Dadka Soomaalida markeey xaaldi khadhaadhaatay waxeey u kala jabeen Labo meelood: Dad gaalka raacay oogarab iyo gaashaanba u noqday iyo Dad Daraawiish raacay oo Jihaadkii galay!

• 18 gu markuu dagaalkii socday,habeen iyo dharaarna fooda leys darayay,labada geesoodna lagu hoobtay,dad iyo duunyana lagu ceeyroobay,Daraawiishna kuluga baxsatay ayuu Ingiriiski arrini ku cadaatay,dabadeedna talo wuxuu ku goostay in Daraawiish dayuurado lagula dagaallamo mooyaane aan sikale waxbo lagaga qaban karin.

• 1919ki bishii Janaayo ayuu Ingiriiski Daraawiish kagasoo duulay cir iyo dhul,bad iyo bari intaba.

• Sideed(8) dayuuradood ee ugu horeesay waxeey duqeeyeen Mirashi,Jiidali iyo Baran, meelahaasoo Daraawiish qalcado ku laheeyd

• Ceeldheer meesha layiraahdo ayaa lagusoo riday dayuuradii ugu horeesay!

• Daraawiish waxeey la ahaatay mar haddii hub aanay heeysan iyo dayuurado lagula dagaalamo ineey Nugaal iyo agagaarkeeda ka guuraan una qaxaan dhinaca Koonfur si ciidankoodu meel ugasoo wada jeedsado maxaa yeelay Daraawiish xoog leh ayaa fadhiday Webi Shabeele iyo agahiisa oo Khaliif Sheekh Cabdille madax u ahaa.

• Nin haray iyo nin itaal waayay mooyee Daraawiish waxeey isugu tagtay Qorra,Shiniile iyo Horushagax halkaaseeyna xaruntii dagtay.

• Rag talo kama dhamaato,ciil horana weey qabeeynee,ciidan beey qalqaaliyeen si loo rogaal celiyo.Iyadoo guuto lixaad leh leeysu dumay,ambabaxna heegan loo yahay ayaa Duumo,Daacuun,Fanto iyo Furuq miduu ahaaba Eeebe weeyne ku ekeeyay ciidankii.

• Raggii duullaanka u heelannaa ama dagaalka geli lahaa waxeey noqdeen in taal iyo in tarabtarab u le’atay

• Ingiriisku markuu taa ogaaday ayuu guuto soomaalidii raacsaneeyd u badneeyd kusoo bixiyay Daraawiish. Colkaas qalqaaladiisa,hubkiisa,raashinkiisa iyo wareegadiisaba waxaa lahaa Ingiriiska waxaana maamule ka ahaa Sir Ardher,soomaaliduna u taqaanay “Carsha-dheere”

• Colkaasi wuxuu dad helayna wuu laayay,duunyana wuxuu helay wuu taabtay.

• Xoolaheey heleen waxaa kamid ahaa geela la baxay “HAGOOGANE”, wuxuuna magacaa kulabaxay:ninkii geelaas ka saami helayna kibir buu la hagoogtay,ninkii ka qadayna ciil buu la hagoogtay!
• Firdhadkii daraawiisheed iyo wixi ka harayna waxeey galeen Qarrijiqod oo kutaal Webiga Shabeele xagiisa sare.
Meel eey Daraawiish daar kadhisato ama eey dab ka balbaliyaan waa meeshii ugu dambeeysay.

Geeridii Sayid Maxamad

Sayidka wuxuu ku geeriyooday aaga Webi Shabeelle sanadkii 1921ki. Waxaa la tabiyaa inuu u geeriyooday xanuun lagu sheegay duumo iyo qandho Allaha U Naxariistee.

Gunaanad iyo Faallo kooban

Labaatankii gu ee dagaalki gumeeysiga iyo daraawiish socday waxaa dhacay wax weeyn,dad wixii la laayay ama haasasihi ku lumay iyo duunyo wixii la dhacay ama daar burburtay ama geel rogmaday,gabbal dhacay iyo waa baryay,wixii guuto gelin baxeeysay ama faras weerar u taagnaa.Qallin laguma qori karo afna loogama sheekeeyn karo,lamana qiyaasi karo!
Qarniyo kadib Umaddii Soomaaliyeed sidii uun beey u qeeybsantahay; In Gumeeysiga kalkaalintiisa iyo raaligalintiisa beey har iyo habeen u taaganyihiin kuna tacab beeleen, ina weey ka dhiidhiyeen oo gunnimo iyo gumeeysi gaashaankeey u daruureen! waxeeyna ku taaganyihiin wadadii Qiimaha badneed ee Daraawiish iyo Sayidka gundhigeedana ahaa
Samir,adkeeysi iyo xornimo-doon.

Allaha U Naxariistee sooyaalkii halganka Sayidka iyo Daraawiish wuxuu tusaale,niyad dhis iyo raasamaal u yahay Shacbiga Keenadiidka ah ee Soomaalida Ogaadeenya.

AFEEF

Taariikhda lamasoo koobi karo oo waa suurtagal innan qeeybo muhiim ah katagay,hilmaamay,baalmaray ama aan jajabiyay.Wixii khaladaad ah xaga taariikhda,magacyada goobaha ama xaga qoraalkaba waad sixi kartaan idinkoo igalasoo xidhiidhi karo Emailka :Anwaryare50@hotmail.com ama Gobonimo2013@gmail.com

“Eeboow eexna hanagaga tagin Aqoon darrina hanagu cadaabin”
Qorraa: Anwar A. Magan

MARSIN ONLINE.COM. Waxay mudnaan gaara siinaysaa maqaaladda  sida khaaska ah loogu soo diro Maqaalkani wuxuu khaas u yahay aragtida Qoraaga ku sixiixan loomana turjumi karo tan MARSIN ONLINE.com

Maqaal: Dhacdooyin niyad jab keeney (Qurbo joog) iyo baaq adeegayaasha gumeysiga ku wajahan. By Ali Yare October 8, 2013

(MOL)____Inta aanan idiin soo gudbinin sababta igu dhalisay inaan markii ugu horeysay halkan baaq uga diro gacan yarayaasha taliska Wayaanaha uga adeega Jigjigga iyo magaalooyinka kale ee Ogadeeniya, ayaan waxan jeclahay inaan idiin soo bandhigo labo sheeko oo gaagaaban oo laba nin oo dhawaan Ogadeeniya ka soo laabtay ku warbixiyeen. Mid ka mid ah labadan mudane oo aan shaqsi ahaantiisa aaqoon fiican u lahaa balse aanan rabin gaciisa inaan halkan ku shaaciyo ayaan afkayga ku warsaday halka ninka kale aanu magaalo wada joogno, aqoona aanan u lahayn hase yeeshee nin ay saaxiib isu dhow yihiin iiga waraymay. labadan nin oo laba qaaradood oo aad u kala durugsan ka kala tagay ayaa sharaxaad kooban ka bixiyey fikirkay qabeen intaanay Ogadeniya tagin, wixii ay maqleen, wixii ay arkeen, wixii ku dhacay naf ahaantooda iyo fikirkii ay la soo laabteen, warbixintooddinai sidan ayey u dhacday:

“Qabridahare 1991ayey 100% ka bilic iyo bidhaan fiicnayd”
Ninkan oo aan u bixiyey Warside ayaan ku aqaanay nin qunyar socod ah aadna u afgaaban. Wuxuu ahaa shaqsi halgankana aan taageero weyn u gaysanin hagardaamooyinkana ka illaaliya. Dhanka kale xiliggii isugu kaayo daambaysay ma ahayn kuwa kililka u dhuun daloola had iyo goorna amaantooda ku xabeebta. wallow aanan sheegi karin wixii calooshiisa ku jirey markuu Ogadeniya u sii ambabaxayey, hadana wuxuu iga shaafiyey inaan tagitaankiisu ahayn arin siyaasadeed balse uu Ogadeniya u tagay arin shaqsiyeed iyo mid qoys. Intii aanan su’aalihii aan sida gaarka ah u xiisaynayey waydiininba Warside wuxuu hadalkiisii u bilaabay sidan: “waxan ka tagay State ku yaala dalka Mareykanka, saacado ka dibna waxan ka degnay Addis Ababa halkaas oo aan uga sii gudbay Diridhawa. Waxan diyaarad ka raacay Diridhawa anigoo toos u aaday Qabridahare oo ahayd meeshii safarkaygu ku ekaa. Tagiddii Qabridahare run ahaantii waxay isla daqiiqaddii ugu horeysayba igu riday filanwaa iyo qalbi jab. Magaaladdii hadaan sii galayna waxaan la kulmay fajac, amakaak iyo afkala qaad. waxan la kulmay Qabridaharkii aan aqaanay Qabridahare aan ahayn oo dad ahaan iyo deegaan ahaanba aad u liidata. Qabridahare waxan ugu tagay shacab la bahdilay iyo magaalo baab’aday. waxan u tagay shacab yar iyo weyn macaluul baahsan, nafaqo daro iyo darxumo ka muuqato. Odayaal wada gaboobay oo gowtiyadu soo baxeen oo aadan awoodi karin inaad mid qudha garato, haween wada basaasan oo midab badelmay iyo caruur hagaastay waxaan ahayn indhahaygu ma qaban”. Warside markuu halgaas marayo ayaan sheekaddii intaan ka dhexgaley xusuusiyey in Qabridahare tahay magaalooyinka lacagta ugu badan dibada looga diro. waxaanan weydiiyey meesha lacagahii 20ka sanno inta ka badan la dirayey ay martey. Warside ayaa wuxuu jawaab kooban ku yidhi, “Lacagahaasi meesha ay mareen ma sheegi karo laakiin waxan kuu sheegi ‘In Qabridahare 1991 ay ka bilic iyo bidhaanba fiicnayd dadkuna uu ka nolal iyo aragti fiicnaa’ Warside waxaa Qabridahare uga soo baxay sawir aanu meeshaba soo dhigan. Wuxuu isweydiiyey horumarkii la sheegi jirey meesha uu aaday.
Warside wuxuu siduu ii sheegay aad ula yaabay sida nimanka Liyuu Policeka dadka qaarna u yaqaanan ‘Hawaarinta’ ay shacabku uga baqaan. “Maalin maalmaha ka mid ah ayaan waxan imid hotel ilaa rag qiyaastii ah 300 ama ka badanba ay fadhiyaan oo ay hortaagan yihiin 50 hawaarin ah. aniga oo hotelkii sii galaya ayaa mid hawaarinta ka mid ah i daba maray balse markuu in yar i dhaafay ayuu ii yeedhay ‘warya istaag’. markii aan staagay ayuu yidhi “Waryaa may garanaysaa?” ka dibna waxaan ugu jawaabay maya. “Miyaadan hebel ahayn?” ayuu yidhi. “Waan ahay ayaan ugu jawaabay. intuu kuwii kale u yeedhay ayuu yidhi “War kaalaya ninkaan raadinaynay waan helaye” “isla markiiba waxa laygu yidhi qaad nooqaad” Warside wuxuu ii cadeeyey inuu nimankii qaad u qaaday lana fadhiistay laakiin iima sheegin inuu cabsi ugu qaaday oo isaga qudhiisa la baaday iyo in kale. Warside wuxuu ii sheegay inay hotelkii soo galeen oon shimbiri dhaqaaqaynin. shaaha badhka ah ee laga cararay, qaadka cabsiddii la haleeli waayey ee gogosha lagag tagay, kabta foorarta, cumaamada filiqsan iyo gogosha raafka lagula tagay ayaa runtii ahayd arin kale oo iga yaabisay. Xogsi badan ka dibna waxaa la ii sheegay inay cabsi ay hawaarinta ka qabaan darteed goobta uga carareen.Warside oo hadalkiisii sii wata ayaa yidhi, “Waxaa ii suurto gashay inaan habeenkii nimankii hotelkii la fadhiisto sheekooyin badanina na dhexmaraan sida doodo gaar ah, su’aalo xaasxaasi ah iyo talo biximo. Su’aalihii ay aniga i weydiiyeen waxaa ka mid ahaa bal in aan u sheego fikirka dadka dibadda joogaayi Liyuu Policeka ka qabaan ama waxa ay ka aaminsan yihiin. Ka dib waxan jawaab kooban ku idhi, “Dadka dibaddaha joogaayi ha yaraato ama ha badnaatee wax sumcad ah idiinma hayaan, waxayna idinka aaminsan yihiin inaad tihiin xoolo aan ilko sare lahayn”
Dhankayga waxan waydiiyey sababta ku kaliftey inay xasuuqa dadkood ka qayb qaataan hase ahaatee iyagoo dodooda qumisanaya, isdifaacayana ayey ii sheegeen inay nabad diidka oo kaliya waxyeelaan, shacabkase la xanaaneeyo. Waxanu habeenkii oo dhan dood iyo dood celin ku jiraba, waxanu meeshii ku kala tagney anagoo midkasta oo naga mid ahi kitaabkiisii qumane ahaa qoorta u sudhan yahay, balse waxan hadaladooddii kala soo dhex baxay inay aaminsan yihiin in dhamaan shacabka reer Qabridahare nabad diid yihiin oo habeenkiina ay shufto yihiin maalintiina Itoobiyaan. Marka si aan bal u xaqiijiyo waxa arintan ka jira ayaan baadhitaan bilaabey bulshaddiina dhexgalay. Ugu horeyntiiba waxan ka bilaabay xog raadintaydii haweenka iyo dhalinyarada.Maalmo kooban gudahood waxaa ii cadaatey in sheekaddii Liyuu Policeka ee ahayd in Qabridahare ONLF meermeersan tahay wax ka jiraan. Halkaas baadhitaankeygii kuma dhaafine waxan u gudbay odayaashii magaalada intii aan la kulmi karey. suaalo badan iyo sheeko dheer ka dib waxay odayaashii war iigu soo koobeen in 95% shacabka Qabridahare uu wada ONLF yahay. “Ninkii been iyo barabagaadhe sheeki isaga ayey jirtaa laakiin waxaanu kuu sheegi in Qabridahare wada ONLF tahay taasina waa sababta dhibka joogtada ah loogu hayo, kuwan hawaarinta ahna intooda badan waa jabhad marka qoraxdu dhacdo” sidaas waxa warkoodii ku soo koobay odayaashii.
Horumarka jigjigga waa hal jid oo kaniisada gala
Mudanaha kale oo aan ugu magac darey Xoglaawe waa mudane ka soo jeeda SSC ama degaanada laas caanood iyo buuhoodle. Ujeedada magacani ma aha mid aan ku liidayo laakiin waa mid aan ku tusaayo sida aanu wax xog ah uga haynin Ogadeniya. Xoglaawe wuxuu ahaa nin si fiican u daawada TVga loo yaqaano qudhun wada oo ah TV loo sameeyey in been iyo buunbuunin lagu faafiyo. Xoglaawe wuxuu aad ula dhacay waxyaalihi ina iley iyo gacanyarayaasha uu horjoogaha u yahay halkaas bulshada ka tusi jireen. Xoglaawe jacaylkii uu jigjigga u qaaday wuxu gaadhsiisay heer uu reerkiisii oo mudo dheer Hargaysa u deganaa uu intuu halkaas ka raro uu jigjigga u wareejiyo.
Xoglaawe wuxuu had iyo jeer goobaha sheekooyinka ee fadhi ku dirirku isugu yimaado ka jeedin jirey hadlo amaan ah oo uu , maamulka ina iley ku taageerayo. Wuxuu had iyo goor daawan jirey qudhun wada oo can ku ah soo bandhigida biyo burqanaya iyo beero qurux badan oon ka jirin dhulka Ogadeniya. TVgan gacan ku samayska ah oo ah TVga ugu horumar iyo barwaaqo sheega badan ayaa wuxuu maanka ka xaday dad soomaaliyeed oo badan oon ka warqabin ama aqoon u lahayn waxa maalinkasta ka dhacaaya degaanka Ogadeniya. Marka loo eego akhbaaraha ka baxa qudhun wada dhulka ogadeniya waa dhulka ugu cadaalada badan, dhulka ugu horumarka badan, dhulka ugu nabad galyada badan, uguna maamulka fiican. Wax kale iska daaye weli lama sheegin qof la xidhay, qof la diley iyo qof la dhacay toona (amazing). Taasina waa mida Xoglaawe qalbigiisa soo jiidatay kuna kaliftay inuu duhur cad u baqoolo.
Muddo wax yar laga joogo ayuu Xoglaawe safar uu in badan ka sadaalinaayey ugu kicitimay Jigjigga. Ugu horeyntiiba wuxuu ka cid galay TogWajaale. Xoglaawe oo amin habeen ah Togwajaale hotel ka daydayanaya ayaa waxaa ku soo baxay ciidanka Liyuu police oo dadka qaar u yaqaanaan hawaarin ama dhidid dhowr, ka dibna waxay waydiiyeen wuxuu yahay, meeshuu ka yimid iyo meeshuu u socdo. Xoglaawe oo ay kalsooni badani ka muuqato ayaa baasaboor fiiso Sacuudi ahi ku dhagan tahay oo Soomaali ah jeebka kala soo booday si uu u tuso inuu wadanka sharci ku soo galay. Alla ha tusin lahaydaa. Marqudha unbaa Xoglaawe jawaasiistii ku soo boodeen oo intay baasabookii ka dhuteen isku jabiyeen oo mid jeebka caganta ka galiya, mid handada iyomid suaalo waydiiya isu qaybiyeen. Markii fiisaddii Sacuudiga la arkay ayeyba xanaaq markaliya iswada mareen. Hawaarintii waxay jeebkiisa ka ka heleen ; lacag dhan 1300 oo dollar, card caafimaad wadatana magaca ‘Al-itihad’. Card kii markii jeebkiisa laga soo saarey bay isweda fiiriyeen oo yidhaahdeen oo ma card itixaad baad wadataaba. Isla markiiba dambi baa loo alifay waxaana lagu eedeeyey afar dambi oo sidda ay sheegeen calculus khatarna nabada ku ah. Dambiyan oo kala ah:
• Inuu saacad bame socday
• Inuu fiiso sacuudi ah watay
• Inuu card Al-Itihad wadat ama Al-shabaab ah
• Iyo inuu lacag qalaad watey taas oo uu nabad diidka u waday.
Xaaladdii Xoglaawe cirka ayey isu shareertay. Yaab iyo fajac baa ku dhacay ninkii u hilowsanaa maamulka Jigjigga. Judhiiba xabsiga ayaa loo taxaabay waxana sida xoolihii lagu xareeyey qol yar oo jiingad ah oo kulul. Xoglaawe sida la ii sheegay sonkortii baa ku kacday, halka hawaarintii ay lacagtii uu watay ay ku marqaamayeen. Afar bari markuu xoglaawe jiingaddii ku cabudhsanaa ayaa Jigjigga loo dhaadhiciyey si maxakabad loo soo taago. Arinta qosolka leh ayaa waxay ahayd in Xoglaawe aan dambiggii lacagta loo gudbinin Jigjigga.
Wuxu yidhi Xoglaawe, “Markaan muddo jeel Jigigga ku yaala ku jirey ayey ogadayaal reerkayaga ah iyo garaadyo maqleen inaan xidhnahay ka dibna way isoo booqdeen. Waxaa iila yaab badnaa in markii garaadaddii , ugaadsyaddii iyo odayaashii ii yimaadeen in gabadh yar oo surwaal daba gab ah xidhani u timid odayaashii kuna tidhi war ka taga meesha maxaad ka qabanaysaan ka dibna iyagoon hal hadal ah soo celin meeshii ka dareereen. Waxan la yaabay ixtiraam darada tigreega iyo cabsida shacabka ku jirta. Wax kale kuma garatide 14 bari markaan xidhnaa ayaa damiin la igu soo daayey. Afar bari markaan dibada joogayna ayaa waxaa la igula taliyey inaan habeen madow dhuunto haddii kale inaanan weliggay jeel iyo bahdil ka baxayeynin. Magaalddii aan ku taami jirey inaan maruun tago een reerkaygii u rarey waxan awoodi waayey in shan cisho joogo, dantuna waxay iga maaransiin wayday inaan habeen madow dhuumasho kaga soo baxo, caruurtayddiina ka soo cararo.
”Hadaba horumarkii Jigjigga een TVga ka daawan jirey waxan idiin sheegi inaan waxba ka jirin. Beerihii, biyihii burqanayey, wadooyinka waaweynaa, jidadkii nalalka badnaa ee ifayey iyo nabaddii ina iley dadka ku wareeriyey waxay ahayd been guri lagu dhex alifay. Dhinaca wadooyinka hadaan idiin sheego, “Jigjigga hal jid oo Kaniisada gala ayaa ku yaala”. Freeway dii, wadooyinkii la dhisaayey, kuwii la dhameeyey dhamaan waxay ahaayeen dhaan dabagaale. Dhanka biyihii iyo beerihii, beero iyo bilic qurxoon mida anigu ma arag biyana iska daa hadalkood oo dadku weli waxay dhaansadaan dameero aad u tabar daran oo qofkii arkaa aad uga nixi. Wax kale oon ku tilmaamo jigjigga ma garanayo oon ka ahayn inay tahay nin tuulo ka yimid caasimaddii. Waxay ku jirtaa qarniggii 16 aad ama ka sii fogba. Jigjigga Tigree baa xukuma, ina ileyna waxba kama aha. Hal qof xabsiga kama sii dayn karaan.

Baaq ku socota Liyuu Policeka
Waxan halkan si naxteexo leh uga baaqayaa nimankan Liyuu police ka loo yaqaano. waxan leeyahay indhaha kala qaada, dhagahana fura si fiicana u darsa qorshan aad ku jirtaan iyo waxa aad qabanaysaan. Qofka aadamigga ahi wuu gafaa, hase yeeshee ceeb ma aha in qofku gafkii uu galay ka toobad keeno. illaah wuxuu ugu jecel yahay qofka dambiga gala laakiin ka soo noqda cafisna waydiista. Waxan si dhab ah u aaminsanahay in qaar badan oo idinka mid ahi ay dad fiican yihiin falal dambiyeed badana aanay gaysanin laakiin intiina badani aad si waxashnimo leh uga qayb qaadataan dilka, dhaca, kufsiga iyo xidhayga shacabka Somalida Ogadeniya. Haddii intiina wanaagsani aanay inta xun bulshada ka celin karin, ama meesha ka haajiri karin, muxuu wanaagiinu tarayaa?
Sababkasta ha idinku kaliftee kuwiina weli qalbiga naxariistu kaga jirto ee aan dhiiga dadka ku subkanin, meelihii xumaantu ka dhacayeena jooga, waxan idinku waaninayaa inaad si deg deg ah goobta aad taagan tihiin uga dhaqaaqdaan, jigjigga iskaga tagtaan, illaahayna u toobad keentaan, shacabkana raali galisaan. diinteena suubani waxay ina faraysaa in haddii aad xumaan aragto marka hore aad isku daydo inaad gacanta ku suuliso ama ku goyso. Haddii ay kuu suurto gali wayso inaad caragka ku goyso, haddii aad carabka ku goyn waydo inaad uurka ka nacdo, haddii aad nacitaanka wax ku qaban kari weydo inaad meeshaba iskaga haajirto.
Hadaba kuwiina maskaxda laga xaday ama garasho la’aantu u gays inay shacabka hagardaameeyaan waxan leeyahay labo talaabo dib u qaada fiiriyana wax aad ku dhex jirtaan iyo gafafka aad gaysanaysaan.
Kuwiina sida ula kaca ah dadkooda u gumaadaya, waxan iyana odhan lahaa weli toobadu way idiin furan tahay. Ka waantooba ficilada bani aadanimada ka baxsan eed hadh iyo habeen bulshada ku haysaan. Ka waantooba inaad xasuuqa dadkiina gumaysiga ku raali galisaan. Naftiina ha u horseedina ceeb adduun, cuqubo joogta ah iyo cabaad aakhiro. Ka daaya xoolaha xaaraanta ah eed ubakiina siinaysaan. Irsiq xalaal ah caruurtiina ku barbaariya. Run ahaantii tubtan aad maanta haysaan kuwo idinka idinka horeeyey baa ku halaagsamey meel xuna ku dambeeyey. Ogaada inaan gumeysi raac adduunka sharaf ku lahayn goob xuna ku dhinto marka inta aan saacadu idinka dhicin iskaga soo baxa nolosha aad ku rintaa. Amaan aan uurka jirini yaanay idin dagin.

\
Ugu dambeyn waxan odhan lahaa ha noqonina kuwuu Malcom x raximullah uu ugu yeedhay, “The house negro”, adoonkii guriga. Isaga oo tilmaamaya astaamaha kuw gumeysiga u dhagaha nugul ayuu yidhi, “”There was two kind of slaves. There was the house Negro and the field negro. The house negro, they lived in the house, with master. They
dressed pretty good. They ate good, cause they ate his food, what he left.
They lived in the attic or the basement, but still they lived near their
master, and they loved their master, more than their master loved
himself. They would give their life to save their masters house quicker
than their master would. The house negro, if the master said “we got a
good house here” the house negro say “yeah, we got a good house here”.
Whenever the master would said we, he’d say we. That’s how you can
tell a house negro. If the master’s house caught on fire, the house negro
would fight harder to put the blaze out than the master would. If the
master got sick, the house negro would say “What’s the matter, boss, we
sick?” We sick! He identified himself with his master, more than the
master identified with himself. And if you came to the house negro and
said “Let’s run away, Let’s escape, Let’s separate” the house negro would
look at you and say “Man, you crazy. What you mean separate? Where
is there a better house than this? Where can I wear better clothes than
this? Where can I eat better food than this?”
Malcolm x wuxu yidhi “ laba adoon ama la gumeyste ayaa jirta, adoonka guriga iyo adoonka beerta. Adoonka gurigu ama raranaha gurigu wuxuu ku nool yahay guriga master kiisa. Waxay xidhaan labis fiican, waxayna cunaan raashin fiican oo ah mida madaxddiisu soo hambayso. Waxay ku nool yihiin qaybta ugu hoosaysa guriga, waxayna master kooda u jecel yihiin si aan masterkoodu naftiisa u jeclayn. Waxay naftooda u huraan gumeystahooda. Haddi masterku yidhaahdo waxan haysanaa guri fiican, adoonkuna wuxuu odhan waxan haysanaa guri fiican. Haddii guriga masterka daab qabsado adoonka gurigu wuxuu u damiyaa si aan masterku gurigiisa u daminayn. Haddii masterku jirado adoonku wuxuu odhan waan jiranahay, masterku wuu jiran yahay odhan maayo. Haddii aad adoonka guriga u timaado ood tidhaahdo ina keen aan baxsanee wuxuu odhan war ma doqon baad tahay maxay tahay aan baxsano ma guri gurigan ka fiican baa jira, xageen dhar dharkan ka fiican ka heli haddii aan baxsado, xageense cunto mida ka fiican ka heli.
Laakiin haddii aad adoonka beerta ku tidhaahdo “Ina keen aan baxsanee wuxuu ku odhan war ina keen meeshan meel aan dhamin ma jirtee. Haddi masterkoodu bukoodo illaahay buu inuu dhito uga baryaa. Haddii gurigiisa dab qabsado adoonka beertu wuxuu illaahay ka baryaa in dabayli timaado”
Waxa hubaal ah in manta ONLFta iyo Liyuu Policeka labaduba ay xukun gumaysi ku hoos jiraan balse midna rarka diidan yahay midna dhabarka hoorsanayo. Marka Liyuu Policeku miyaanay manta ahayn kuwuu Malcolm x ugu yeedhay “The house Negro”. Waxan odhan karaa ha laakiin waxan markale leeyahay war quudhsiga diida oo golaha ceebeed ka soo daareera.
Ali Ayare
Saudi Arabia

“Jigjigga maxaa ka dhigay timir xabaal taalaa”? Ogadeniyana itoobiyaa gumeysata Jigjiggana Ina Iley!!!!

“Jigjigga maxaa ka dhigay timir xabaal taalaa”?

Ogadeniyana itoobiyaa gumeysata Jigjiggana Ina Iley!!!!

By Ali Yare

Shaki kuma jiro in markay dad badani  arkaan ciwaanka qoraalkan  isweydiin doonaan sababta igu kaliftey inaan maanta i dhaahdo  jigjiga “Maxaaka dhigay timir xaabaal taalaa”? amaba Jigjigga Ina iley baa gumeysta ogadeniyana itoobiya laakiin waxan odhan lahaa ha boodina, hana iga diddina ee in yar ii dulqaata. Teeda kale waxan jeclahay inaad dhago furan iyo qalbi xaadhan oo caadifad xor ka ah  igu dhagaysataan.

Marka hore khalad ha iga fahmina, ogaadana  inaan ujeedada doodaydu ahayn inaan  Itoobiya Jigjiga gumeysan hase yeeshee gundhiga doodaydu waa in jigjigga laba goor la gumeysto, Waayo waxan aamin sanahay lagana yabaa in dad badani ila qabaan, in gumeysiga itoobiya ay Jigjigga gumeysato uu  u dheer yahay midka ina iley iyo bakhtifuuladdiisu gumeystaan kaas oo aan odhan karno waa mid ka xishood iyo arxanba daran midka Woyaanaha.

Waxa laga yaabaa ama suurto gal ah in qaar badan oo idinka idinka mid ahi fikirkaa igu raaceen balse kuwa weli ciwaankan ka soo horjeeda doodayduna ka daadagi la’dahay bal aan cabaar la sii haasaawo una dhaadhaco nuxurka qoraalkayga.  .

Muran kama jiro in dhulka ogadenia la wada gumeysto oo dulinimadda iyo darxumaduba wada haysato. Iyada oo taasi jirto ayaa waxaan hadana si dhab ah u aaminsanahay  meelaha qaar sida magaalada jigjigga in si gaar ah loo gumeysto oo ka duwan sida magaalooyinka kale loo gumeysto waayo maanta jigjigga waa meesha kaliya ee xarunta u ah maamulka gacan ku samayska ah ee damiir laawe ina iley horjoogaha u yahay. Waa meesha kaliya ee gumeysiga iyo gacan yarayaashiisu falkay doonaanba ka gaystaan  haday kufsi tahay haday, dil tahay, dahay dhac tahay iyo haday xidhay tahayba bilaa cabsi. Markaan saas leeyahay taas macnaheedu ma aha inaan dhulka intiisa kale jaa’ifooyinkan oo kale ka dhicin balse qaabka woyaahana iyo hawaarintu shacabka u waxyeeleeyaan ayaa gabi ahaanba ah kuwo kala duwan marka lays  garab dhigo Jigjigga iyo dhulka Ogadeniya intiisa kale.

Dhamaan gobolada kale ee dalka ogadeniya ka kooban yahay waxaa ka socda dagaal xoogan oo iska cabin, weerar  iyo weerar celis ah halka Jigjigga aanay col iyo nabad midna ahayn. Gobolada kale dadka waxaa la xidhaa iyaga oo jaraha diidan oo sanka taagaya halka jigigga dadka intii “keeno lagu xidho weliba faruur xidh loogu daro”. Dalka intiisa kale dadka kii dhimana sharaf buu ku dhintaa kii noolaana sharaf buu ku noolaadaa halka jigjigga dadku ku nool yihiin marxalad ma disho ma noolayso ah. Marka laga reebo jigjigga, dadka kii dhinta isaga oo dagaalami buu dhintaa, kii la xidhi isaga oo qoorta taagi  ayaa la xidhan, tii la kufsan iyada oo qaylo iyo qaniinyo ku dagaalamaysa ayaa ama la kufsada ama laga tagaa halka jigjigga hawaarintu haween la qabo intay hoygooda kala baxan aan ciduna ka daba hadlin. Halka wakiilada gumeysiga ee ina iley hormuudka u yahay  ay daafaha jigjigga kalsoonida u dhex mushaaxaan ciday doonaana dilaan ama xidhaanba, gobalada kale wxay ku nool yihiin cabsi iyo argagax. Tolow ma maantaa lagu dili iyo bari ma gaadhi ayey ku noolyihiin. Midkay xidhi iyaga oo cabsani geesahana eeg eegi ayey xidhaan midkay dili iyaga oo baqdin darted hiinraagaya ayey dilaan iyagoo mararka qaarkoodna aan ku nabad galin dilalkaa. Meelkasta ma awoodi karaan inay maraan ama fadhiistaan.waxay had iyo jeer isku ilaaliyaan meelo cayiman oo xerooyinka gumeysigu ka mid yihiin.

Baadhitaano la sameeyey waxa la ogaadey in gumeysigu ixtiraamo meeliba meesha ay ka dagaal badan tahay sidaa darteedna Jigjigga ay tahay meelaha woyanuhu ay aadka u liidaan ee ugu ixtiraamka daran yihiin.

Hadaba su’aasha mudan in laga jawaabo waxay tahay maxay jigjigga ku mutaysatey qadarin la’aanta? Ma odhan karaa Jigjigga nabada ayey eeday?

Ani ahaan waxan odhan karaa dhowr sababood baa ugu wacan meeqaan xumada jigjigga kala soo daristey woyaahana iyo daboqoodhiga.

  • Mida koobaad : Waxaa caado u ah dadkan itoobiyaanka ah qabiilkuu doono ha ahaadee inay hadba qofka ugu dhow ay dhibaan taasna waxaa markhaati u ah maahmaahdii odhan jirtey “Axmaaro iyo dameerba ooda u xigta ayey cunaan”.  Dad badan oo aqoon u leh itoobiyaanka way dareemayaan in waxa shacabka jigjigga lagu hayaa aanay ahayn wax cusub oo ugub ah balse ay tahay waxay weligeed  itoobiya samayn jirtey oo dhaqan u ah. Wax yeelada ugu badani waxay had iyo jeer ku dhacdaa kuwa ugu dhow dhow ee ama niyada kala jira , ama afka ka  taageera taasna waxaan ku cadayn karnaa halkay Ibraahim Xaad dhigeen.  Muran kama joogo in qoon badan oo talisyaddii itoobiya u dhaga nuglaa  god dheer lagu dabooley meesha kuwo badana la uus xabaalay oo meel ay maanta ku sugan yihiin aan cidina war u haynin.
  • Qodobka labaad: Waa dadka itoobiyaanka ah oo si dhab ah u aaminsan in qoomiyada soomaalidu tahay cadowgooda kowaad sidaa darteedna ka la jira iyo midka ka soo horjeeda shaadhkuu doonaba ha qabee ay isku mid u yihiin. Hal hays can ah oo ay itoobiyaanku wada yaqaanaan ayey ku yidhaahdaan “Somali Soomalinow, Somali waa isku mid dhinucuu doono ha la jiree”sidaa awgeed jigjigga iyo dhulka intiisa kale waa isugu mid, waxayna u arkaan  laba cadow oon kala sokaynin.
  • Qodobka saddexaad: Waa shacab weynaha jigjigga iyo nawaaxigeeda ku nool oo qoonsan waaayey quudhsiga gumeysiga, had iyo goorna dhabarka u daaciya dharbaaxada askarta wayaanaha iyo raranayaashooda taasina waxay keentey in hawaarintu  si dhib yar ugu dhiiradaan dhibaateynta dadka. Waxa horey loo ogaaday inaan aadamuhu walaalow waxba ku lahayn balse waranka afkiisa lagu walaaloobo.  Mahmaahbaa waxay ahayd “Nin aan warankaagu kaa reebin wedhaadu kaama reebto”. Nin og inaad xabada xabad ugu jawaabi, feedhkana feedh ugu baddeli, dharbaaxadana dharbaaxo ugu dabo marin, waxa hubaal ah inaanu dhayal kuugu soo deg degaynin. Hadddise marka judub sanka lagaaga dhufto aad hogato ood goroda laalaadiso xaalkaagu waa ilko doofaar sahansan.  Kol haddi cadowgaagu kaa il helo dhabarkana ciida kuu dhigo, labo unbuu mid noqon:

a)      mid caqli leh wax yaalo badana xeeriya sida gumeysataddii reer yurub

b)      iyo mid baddow ah doqonimana u dheer tahay sida itoobiya oo hadday mar ku lagdo aan kaa kacayn.

Sidee Ina Iley Jigjigga u gumeystaa?

Horta jigjigga waa meesha fikirka gumeysiga lagu tijaabiyo sidoo kale waa meesha dhaqan xumada lagu alifo. Jigjigga waxan odhan karaa waa gole ceebeed waayo markaad dib u fiiriso dhacdooyinkii ka dhacay jigjigga mudooyinkii dambe waxad dareemeysaa in Jigjigga maanta tahay meelaha dhulka Ogadeniya ugu ayaanka daran.

Adeegayaasha gumeysiga ee ina Ilay aabaha u yahay waxay ku amar ku taagleeyaan degmada Jigjigga taas oo Woyaanuhu amar buuxa ku siiyey inay siday doonaan ka yeelaan. Wallow kuwii inay Ilay ka horeeyey iyaga qudhooda awood buuxda loo siiyey cabudhinta dadka hadana marna heerka ina ilay xumaan ka gaadhay kama gaadhin. Wakiiladdii Jigjigga soo marayna wax unbaa xakamayn jirey ama ha xishoodaan ama talada dadka ha qaataan ama ehelnimo ha xeeriyaan amaba dhaqanka ha dhowraane laakiin mar haddii aan ” ruuxu damiirna lahayn diina xakamayneynin waa in sida dibi gu’ jooga uu iska “dinaahiyo” sida ina Ilay”.

“Haddii dhulka meel ka mid ahi yaxyax u dhiman lahayd jigjigga ayaa goor hore aaskeeda loo dareeri lahaa agaskeedana aan cuni lahayn” waayo Jigjigga waxaa ka dhacay dhacdooyin taariikhi ah oo aan dhulka intiisa kale ka dhicin oo dadka intii aragteyna il-fashaq ku dishay intii maqashayna dhag xume ku dishay.  falalka  ugubka ah ee ina ilay Jigjigga ka sameeyey ayaa wxay ahaayeen:

a)      In kumanyaal dad ah uu fagaare isugu keeno qaar ka mid ahna ku dirqiyo inay qirtaan inay adhiga iyo dameeraha fuuli jireen. Arintan oo runtii ahayd middii nooceeda ah ee ugu horeysay ee ummadda soomaaliyeed dhexdeeda laga maqlo ama ay aalada la iska arko ka daawadaan.tani  waxay magac xumo weyn u soo jiiday shacabka sharafta leh ee dhulkaas dega ee dhaqan wanaaga ku can baxay. Kulankani wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday damiinimada Ina Iley iyo doqonimada woyaanaha waayo lama arag ummad dowlad sheeganaysa oo intay gacan ku dhiiglayaal shir weyne soo hor joojiso ku amaanaya fal danbiyeedyaddii ay geysteen. Rag ku faanaya inay geysteen dambiyo isugu jira dil, kufsi, dhac iyo afduub oo halkii maxakamad la soo joojin  lahaa dambigoodana loogu qaadi lahaa amaan iyo abaal marin la siiyo waxaa lagu arkey Itoobiya. Arintani waxay caalamka tustay waxashnimada woyaanaha iyo sida ay xeerarka caalamiga ah uga dhaga la’ yihiin. Balse dhankasta oo laga eegaba waxay dadkii dhacdadan foosha xun arkay ama maqlayba isku raaceen in Itoobiya any kulankan waxba ka dheefin hase ahaatee dhaawac siyaasadeed ka soo gaadhay ka dib markii bulshada caalamku ka dhaxashay sawir ah in Itoobiya tahay meel  “dhibanahana lagu xaqiro dhiigya cabkana lagu sharfo.”

b)      Arinta kale ee dhulka Ogadeniya aan horey uga dhicin balse ina ilay Jigjigga ka fuliyey ayaa waxay tahay inuu gabdho yar yar oon waalidkood raali ka ahayn intuu mashrax soo tubo iyaga oo qaaqaawan qasabna kaga dhigay inay qabtaan wax uu ugu yeedhay bandhigga tartanka quruxda taas oo diinta suuban ee islaamka iyo akhlaaqda wanaagsanba ka soo horjeeda. runtii damiir laawe ina iley wuxuu Jigjigga ka sameeyey dhacdo aan dhulka ogadeniya horey loogu arag. Wuxuu suurto galiyey in gabdho ugub ah oo masaakiin ah intuu soo mudhxiyo masharaxana soo dhoobo si cawradooda askarta woyaanuhu u daawadaan. Dad badani waxay aaminsan yihiin in ina iley ay saraakiisha woyaanuhu ku amreen inuu bandhigan sameeyo iyaga oo ujeedadoodu tahay inay  inta ugu quruxda badan ka xushaan. Arintan foosha xun ee dhaqan bi’iska ah Jigigga indhaha ayey ka daboolatey mana filayo inay gobolada kale ee ogadeeniya ka suurto gali lahayd.

Arinta kale ee xusida mudan ee gaar ahaan aniga amakaaka iyo uur ku taalada igu reebtey ayaa waxay ahayd in goobihii ficiladan foosha xumi ka dhacayeen kuwo wadaado sheeganaya oo wada gadh cays ah lehi safafkii hore ee kuraasta wada camireen iyaga oo wejiyadooda laga dheehannayey sida ay raali uga yihiin wixii meesha ka socday. Wadaad xumayaashii goobahan soo camiray ayaa waxaa ugu caansanaa madaxii ajjo gudhay ee gumeysiga isu dhiibay Ibraahim Dheere oo waejiggiisa rayn rayn aan la soo koobi karini ka muuqatey.

Maxaa boosaska iyo beeraha Jigjigga baylahda ka dhigay oo bakhti fuul ina iley dibadaha uga baafinayaa? Jigjigga ma “Timir xabaal taalaa?”

Dabcan “Timir xabaal taala” waad wada garaysaan in qofkii soo gaadhaaba iska cuni oon la kala xigin, tanina waa Qodob kale oo cadaynaya sida Ina Iley u bah dilo shacabka reer Jigjigga. Jigjigga waa magaalo noocay doontaba ha ahaatee waxayna ka kooban tahay boos dhisan, mid banaan iyo beer dad leeyahay. Hase yeesha sida aan wada ogsoonahay, ina iley wuxuu had iyo goor baaqyo u kala diraa dibadaha isaga oo qurba joogta ku beer laxawsanaya inay dalka dib ugu soo noqdaan. Wuxuuna kii so noqda ugu balan qaadaa inuu Jigjigga boos ka siin doono taasina ay keentey in kuwo badan oo malafsi raac ah iyo kuwo dibadaha ku caajisay ay dhalanteedka khiyaaliga ah run moodaan.

Dhab ahaantii  ma ogi in dhamaan intii dhaan daban gaalaha ina Iley runta mooday boos iyo beer la wada siiyey. Been iyo run midkay tahayna muhiimad iima laha laakiin haddiiba ay jirto in qurba joogtii oo dhan Jigjigga boos laga wada siiyey ama badhkood laga siiyeyba, su’aashu waxay tahay  boosaska yaa iska lahaa? Dadkii lahaa miyey dhamaadeen? Mise way bara kaceen oo dhulkaba way iskaga qaxeen? Mise “Bank” boos iyo beer ah ayaa Jijigga ka dilaacay?

Jawaabtu waa “Maya” Jigjigga shacabkii iska lahaa ma qixin, mana dhamaanin, mida kale “Bank” boos iyo beer ahina kama dilaacin hase yeeshee Jigjigga waxaa ka jira boob iyo dhac baahsan oo Ina Iley baneeyey. Jigjigga maanta waxay maraysaa in kii Godey ku dhashay, kii Qabridahare ku dhashay, kii Dhagaxbuur ku dhashay, kii Wardheer ku dhashay iyo kii Fiiq ku dhashayba boos iyo beer laga siiyo ama looga balan qaadaba. Tanina waxay ku timid awooda Ina Iley ka dib markii Jigjigga laga waayey shaqsi buus yidhaahda. Dhulka ogadeniya waana la wada degaa waana la kala degaa.

Dhamaan magaalooyinka waaweyn beerteeda iyo booskeedaba dadbaa iska leh mana jiro qof ku siin kara tuugo iyo badheedh midkay doontaba ha ahaatee balse booska iyo beertaba waad gadan kartaa gobolkaad doonto aad ka timaadidee. Ina Iley magaaladdii uu ka beermay iyo middii uu ku barbaayeyba midna boos kama bixin karo marka maxaa keenay inuu Jigjigga biliqaysto? Hadaba miyeynaan odhan Karin Jigjigga maanta waa “timir  xabaal taala”? ama gumeysiga itoobiya Jigjigga waxaa u dheer midka Ina Iley.

Mar haddii xaalku meeshaa marayo shacabka Jigjigga waxaa la gudboon inaanay cadowga u habranin hogaanka gumeysigana iska siibaan.  Shaki igagama jiro in shacabka reer Jigjigga intooda badani xoriyada jecel yihiin. Hadaba maanta waa maalintii jecelka ficilka loo baddeli lahaa. Jigjigga ayuu maanta halganka ogadeniya ka socda uu ka dhutinayaa ama ka liigayaa marka waa inta damiirka fiicani kacaan oo hubka gurtaan dab kululna gacaha u galiyaan woyaanaha iyo raranayaashiisa.

ISKU TASHI, MIDNIMO, GUUL, ALLAAHU AKBAR.

MARSIN ONLINE.COM. Waxay mudnaan gaara
siinaysaa maqaaladda  sida khaaska ah loogu soo diro Maqaalkani wuxuu
khaas u yahay aragtida Qoraaga ku sixiixan loomana turjumi karo tan
MARSIN ONLINE.COM