Daawo Sheikh Umal oo ka hadley kooxdii isku magacowdey Assadicuuna Bilxaq

(MOL)______Daawo Sheikh Umal oo ka hadley kooxdii isku magacowdey Assadicuuna Bilxaq
Marsinonline.com
marsinonline1@gmail.com

Cabdirahman Xoosh Jibril oo ka hadley kufsigii Goldogob oo walaalkii ku jirey.

(MOL)___Cabdirahman Xoosh oo ka tirsanaa  Baaralmaankii hore Soomaaliya   oo walaalkii ka mid ahaa dhalin yaradii kufsadey gabadha ayaa qoraal soo dhigey wuxuuna u qoraa sidan.

xoosh-jibriil

Ujeedo: Kufsiga ka Dhacay Galdogob : Waxaan asxaabteyda u sheegayaa in dadka lagusoo eedeeyay Arrintaan foosha xun uu ku jiro wiil aan walaalo nahay oo 15 jir ah. Inta aan ka war qabo waa inta soo socta:

1. Markii u dagaalkii sokeeye dhacay, aabbahay Allaha u Naxariisto wuxuu ku haray waddanka, guursadayna, ilma badan aan walaalo nahay ay ka dhasheen guurkaas.

2. Wiilka arrintaan lagu soo eedeeyay waxaa ka yar hal gabar, kana weyn 3 will iyo gabar eey isku bah yihiin.

3. Kulli waa walaalaheey, aabbahii na wada koriyayna wuxuu geeriyooday October 30, 2016. Waa markii labaad aan tago Galdogob waligeey aniga iyo inta waaweeyn walaalaheey.

4.Mar laga jogo 3 usbuuc camal ayaa wiilal aan qaraabo nahay isoo waceen iina sheegeen in eey arrintaan foosha xun dhacday. Waxaan wiilasha kula taliyay in arrintaan sharciga la marsiiyo.

5. Waxeey wiilasha ii sheegeen in ey arrintu dhex taallo wadaadada magaalada Galdogob, laakin eey ka fiican tahay
in la marsiiyo dacwo madina ah lana kaashado, Duqa magaalada Mudane Ayaxle iyo dowlad goboleedka Puntland. Waan ku raacay arrintaas waxaana uga digay inaan arrintaan xaal Somali lagu dhameeynin iyo hoos-hoos.

6. Dhowr maalmood kadib waxaan la hadlay Guddoomiyaha degmada Mudane Ayaxle oo aan ku iri arrinta sharciga ha loo wareejiyo, lagana saaro xeer Somali. Mudane Ayaxle wuu igu raacay.

7. Waxaa dhacday in ciidan Police ah oo Puntland ah eey yimaadeen magaalada maalma kadib uuna dalbay Mudane Ayaxle, laakin buuq lagu furay askartii, buuqaas oo ka yimid wadaadada oo ku andacoonaya in shareeco la marsiiyo. Askartii saas beey ku noqdeed.

8. Dadkii falkaan xun lagu eedeynayay waa xiran yihiin, aniga iyo reerkeygana waxaan taageersannahay in sharciga la marsiiyo ciddii lagu helo fal dambiyeed.

9.Marna aniga iyo walaalaheey ( oo gabdho u badan) ma difaaceeyno falalka noocaan oo kale in uu waddankeenna iyo meel kaleba ka dhaco.

10.Laakin waxaan rabnaa in dhowr natiijo kaso baxdo arintaan:

(a) In dambi baaris fiican la sameeyo si loo xaqiijiyo siday wax u dhaceen.
(b). In ciqaab istaahisha falkaan xun la marsiiyo dadkii dambi u caddaado.
(c). In dhibbanaha loo helo daawo caafimaad iyo counseling.
(d). In arrintaan oo kale la hubiyo in eey mar dambe dhicin.

Marsinonline.com

marsinonline1@gmail.com

 

Ciid wanaagsan dhamaan muslimiinta gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed

happy-eid-al-adha-41

(MOL) Maamulka iyo Wariyaasha (Marsin Online) waxay Tahniyad iyo bogaadin u dirayaan dhamaan Muslimiinta gaar ahaan dadka Somaaliyeed meel-kasta oo ay joogaan Munaasbada ciidul Al-Adxaa.
Waxaan leenahay ciidan ciideeda Nabad iyo Barwaqo allaha inagu gaarsiiyo dhamaan dadka Somaliyeed,

Aaaamin Aaaamin

Inaa Lilaahi wa inaa illeyhi Raajuun War naxdin leh Shugri Mohamed Hasan (Shugri Sandheere) oo Diridhabo ku geeriyooday.

MOL)____Inaa Lilaahi wa inaa illeyhi Raajuun War naxdin leh oo goor dhaweyd na soo gaarey ayaa sheegaya in uu saacado ka hor geeriyooday Marxuum Shugri Mohamed Hasan(Shugri Sandheere), Rabi Naxriistii Janno ha ka waraabiyee marxuumka ayaa ku geeriyooday magaalada Diridhabo,

tacsi

Warbaahinta MarsinOnline ayaa halkan waxay tacsi tiiraanyo leh uga direysaa dhamaan eheladii,qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Rabbi Naxariistii Jano ha ka waraabiye Shugri Mohamed Hasan (Shugri Sandheere) waxaan leenahay Samir iyo Iiman Allaha Inaga siiyo Marxuumkana Janadii Fardowsa Allaha ka waraabiyo Aaaaaaaaaaaamin.
Fadlan ducada ku soo hagaajiya. marsinonline1@gmail.com

MarsinOnline.com

Dowlada Kenya oo Ciidul-Fitri-ga u aqoonsatey maalin fasax qaran.

(MOL)____Dowlada Kenya ayaa maalinta bishu tahay 7/7/2016 u aqoonsatey maalin fasax qaran, waxaana lagu maamusayaa Ciidul-Fitri-ga maalintasi ayaa noqoneysaa maalin dalka Kenya fasax galayo, si dadka Muslimiinta ula ciidaan eheladooda maadama ay soomanaayeen bishi Ramadaan.
CIIDUL-FITRI

Daawo Muxaadaro Axkaamul Ramadaan Sh. Mohamed Abdi Umal

(MOL)_____Daawo Muxaadaro Axkaamul Ramadaan Sh. Mohamed Abdi Umal
Marsinonline.com

Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi Raajuun Xuseen Sheekh Cabdirahman (Xuseen Mataan) oo ku geeriyooday dalka Mareykanka

(MO)_____Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi Raajuun waxaa maanta dalka Mareykanka magaalada Minneapolis ku geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Xuseen Sheekh Cabdirahman (Xuseen Mataan) oo ahaa Wasiirkii Gaashaandhiga ee u danbeeyey dowladii Allaha u naxariistee Mohamed Siyaad Bare.

tacsi
Maamulka iyo Wariyaasha warbaahinta MarsinOnline waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Allaha u naxriistee Marxuum Husein Mataan,Marxuumka waxaan Illaahy uga baryeeynaa in uu Janaddi ka waraabiyo Ehaladana Samir iyo Imaan ka siiyo ,Aaaaaamin.

Daawo Tahriibta dhaliinyarada : Talooyinka ku socda dhaliinyarada ~ Sheikh Ali

(MOL)_____Daawo Tahriibta dhaliinyarada : Talooyinka ku socda dhaliinyarada ~ Sheikh Ali
MarsinOnline.com

Daawo Khilaafka culimada Soomaaliyeed ee Leicester wuxuu gaadhay heer aan salaanta Islaamka la’iska qaadin,

(MOL)_____Khilaafka culimada Soomaaliyeed ee Leicester wuxuu gaadhay heer aan salaanta Islaamka la’iska qaadin, aroosyada lagu kala tago, aaska la isku qabsado – janaazadana aan lawada tukanin. Waxaa laga filayay inay bulshada u horseedaan wanaagga laakiin jahawareer iyo kala qaybsanaan bay keeneen.

Marsinonline.com

Madaxweynaha Turkiga Recep Dayipp Erdogan oo ka qayb-galey munaaabad lagu furey Masjid Lanham, Maryland

(MOL)____Maanta waxaa laga furey Masjid wayn gobolka Maryland, waxaa ka qayb-galey Madaxweynaha Turkiga Recep Dayipp Erdogan,
Kalmad uu ka jeediyey Erdogan ayuu ku sheegay in dalka Mareykanka uu ku soo badanayo Muslim nacayb wuxuuna madaxweynaha ku edeeyey musharaxiinta xilka Madaxweynaha Mareykanka u tartamaya.
Hoos ka daawo