Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Kismaayo oo dhibaateeyey dad barokacayaal ah

(MOL)_____Roobab mahiigaan ah oo ka da”ay magaalada Kismaayo  ayaa lagu soo waramayaa in uu dhibaateeyey dad Barakacayaal oo daganaa duleedka maghaalada,
dadkaan oo masaakiin ah ayaa ka cabanaya in ayna haysan meel ay ka galaan roobka sidoo kele waxay ka cabanayaan cunto la’aan,
hoos ka daawo

Daawo sida Mdaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyey Kismaayo

(MOL)_____Madaxweynaha dowlada Faderaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa booqasho ku tagey maamul gobaleedka Jubaland.
madaxweynaha ayaa si diiran waxaa u soo dhaweeyey madaxweynaha Jubaland Ahmed Mohamed Islaam iyo golahiisa wasiirada shacabka jubaland oo aan u kal harin.

Daawo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata oo afuriyey musliminta Kenya

(MOL)_____Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata oo afuriyey musliminta Kenya

Daawo RW Kheyre oo Khudbad Aan Caadi aheyn u jeediyey Shacabka Muqdisho kana waramey wax qabadkii xukuumadiisa.

(MOL)_____Daawo RW Kheyre oo Khudbad Aan Caadi aheyn u jeediyey Shacabka Muqdisho kana waramey wax qabadkii xukuumadiisa.

Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad Qiimo leh ka jeediyey Banaanbixii manta ka dhacay Muqdisho

(MOL)_____Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad Qiimo leh ka jeediyey Banaanbixii manta ka dhacay Muqdisho Kuna dhawaaqay Go’aano Culus

Daawo isu soobax weyn oo lagu taageerayo Xildhiban Yusuf Hassan oo lagu qabtey xaafada Somalida Islii.

(MOL)________Waxaa maanta lagu qabtey xaafada Islii ee magaalada Nairobi isu soobax weyn oo lagu taageerayo Xildhibaan Yusuf Hassan Abdi kaasi oo ay ka soo qaybgaleen madax sare oo uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Kenya William Samoei arap Ruto , hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlaanka Kenya Aden Bare Duaale, madax kale iyo shacab tiro badan.

Xildhibaan Yusuf ayaa halkaasi ka jeediyey khudbad qiimo bdan wuxuuna u mahad celiyey madaxda iyo shacabka sida ay ugu muujiyeen taageeradooda.

Madaxweyne ku xigeenka William Ruto ayaa Xildhibaan Yusuf ku gudoonsiiyey shahaada xisbiga Jubilee ee uu ku tartami doono doorashada dhici doonta bisha sideedaad.


marsinonline1@gmail.com

Daawo Xildhibaanada ku midoobay Horusocod oo beeniyey war leyla dhexmarayey .

(MOL)_____Xildhibaanada Ku midoobay madasha horusocod ayaa sheegay iney yihiin xisbi siyaasadeed oo aysan u soconin wax dumin.

Marsinonline1@gmail.com

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka Qatar “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka Qatar “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo dalka Qatar uga qeyb galay shirweynaha Caalamiga ah ee looga hadlayo iskaashiga dhinacyada xasilinta dhaqaalaha iyo siyaasadda ayaa ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud dalka, gaar ahaan daruufaha jira, horumarka dalka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in caalamka uu u soo jeesto sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Qaxootiga.

“Adduunka intiisa badan waxaa heysto daruufo badan, balse Soomaaliya si gaar ah waxaan ka codsaneynaa adduunka inaysan indhahooda ka qaadin Soomaaliya, taasi oo daruufo badan soo daashaday oo ay hadda tahay fursad dhab ah oo garab lagu siin karo, inaga kan dowlad ahaan waxaa naga go’an inaan sameyno isbadal dhab ah, oo aan wadanka uga saarno daruufaha heysato” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkiisa ku daray “Inagu waxaan diyaar u nahay wada shaqeyntiina, waxaana u baahanahay taageeridiina, si loogu guuleysto isbadal mira dhal ah.
Ra’iisul Wasaaraha oo inta badan khudbadiisa diiradda ku saaray arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool caalamka ayaa sheegay in caalamka looga fadhiyo inay ilgaar ah ku fiiriyaan daruufaha heysato qaxootiga Soomaaliyeed oo ah kuwa badan caalamka
“Qaxootiga Soomaalida waxaa heysato daruufo adag oo ay qabaan intooda badan, waxaana lagama maar maan ah in caalamku ay ilgaar ah ku eegaan, dowladda cusub ee hadda jirta waxaa ka go’an inay soo dhaweyso qaxootiga Soomaaliyeed e dib ugu soo laabanyaa dalkooda Hooyo iyo ka daryeelka dadka kus oo barakacay gudaha dalka ee ay saameeyeen abaaraha, si aan taasi uga mira dhalino waxaan caalamka uga baahanay inay gacan nagu siiyaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Dalka waxa uu kulan la qaatay dhigiisa dalka Lubnaan Sacad Rafiiq Al-xariiri oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac iyo iskaashi dhex mara labada dowladood.

SAWIRRO:

Daawo Madaxweyne Gaas oo u jawaabay Madaxweynaha Jubaland Ahmed mohamed Islaam.

(MOL)_______Daawo Madaxweyne Gaas oo u jawaabay Madaxweynaha Jubaland Ahmed mohamed Islaam.
Madaxweynaha Jubaland ayaa khudbad uu ka jeediyey London ku sheegey in uuna shakhsiyan jecleyn Faderalisimka balse la moodey dan.

MarsinOnline1@gmail.com

Daawo Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo oo Furay Shirkii Wadatashiga Somalida ee London

(MOL)_____Daawo Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo oo Furay Shirkii Wadatashiga Somalida ee London

marsinonline1@gmailk.com