Daawo isu soobax weyn oo lagu taageerayo Xildhiban Yusuf Hassan oo lagu qabtey xaafada Somalida Islii.

(MOL)________Waxaa maanta lagu qabtey xaafada Islii ee magaalada Nairobi isu soobax weyn oo lagu taageerayo Xildhibaan Yusuf Hassan Abdi kaasi oo ay ka soo qaybgaleen madax sare oo uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Kenya William Samoei arap Ruto , hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlaanka Kenya Aden Bare Duaale, madax kale iyo shacab tiro badan.

Xildhibaan Yusuf ayaa halkaasi ka jeediyey khudbad qiimo bdan wuxuuna u mahad celiyey madaxda iyo shacabka sida ay ugu muujiyeen taageeradooda.

Madaxweyne ku xigeenka William Ruto ayaa Xildhibaan Yusuf ku gudoonsiiyey shahaada xisbiga Jubilee ee uu ku tartami doono doorashada dhici doonta bisha sideedaad.


marsinonline1@gmail.com

Speak Your Mind

*