Hay’ada culimada Somaliyeed oo ka hortimid dastuurka cusub cutubyo iyo qodabo ka mid ah

Waxaa manta oo Sabti ah warsaxaafadeed soo saarey Haya,da culimada Somaliyeed, warsaxaafadeedkan oo ka soo baxay muqdisho ayaa gudoomiyaha hay,ada culimada Somaliyeed Sh. Bashir Salad kuga digay dowlada Somaliyeed in ay ansixiso Dastuurka cusub, gudoomiyaha culimada Somaliyeed sh. Bashir Salad ayaa sheegay in dastuurkan dib loo dhigo, wuxuu intaa ku darey sheekha “Qabyo-qoraalka dastuurka waxaa horjoogayaal u ah hay’ado iyo shakhsiyaad ajnabi ah maadaama ay iyagu yihiin kuwa maalgelinaya , waxaa kale oo bayaanka lagu xusey in aan culimada Somaliyeed aan laga talo galin Dastuuka cusub ee loo samaynayo Somalia.

 

Hay’adda culummadu waxay si aad ah u dhaliishay cutubyo iyo qodabo dastuurka ku jira waxayna culimadu ugu baaqday Dawalada KMG ah beesha caalamka iyo dhamaan dadka Somaliyeed¬† in la hakiyo ansixinta dastuuka cusub inta laga saxayo khaladaadka,

Gabagabadi, dastuurka loo samaynayo Somaliya ayaad moodaa  Gobalda qaar in ayna wax door ah ku lahayn samaynta dastuurka cusub,halka gobalada qaarna ay leeyihiin go-aanka u danbeeya.warsaxafadeedka oo qoran kala soco Marsin online

Marsin Online

marsinonline1@yahoo.com

Speak Your Mind

*